Deegaanka Buurane ee hoostaga degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maalintii shalay ka dhacay fal tacaddi ah oo ay ciidamada Burundi ku dileen haweeney hooyo u ahayd 8 caruur ah.
Ciidamada Burundi ayaa xoog ku galay guri ay degneyd haweeneydan oo ku yaala deegaanka Buurane, waxayna ku turiyeen baas, taasoo keentay in durba ay halkaas ku geeriyooto.
Burundeeska ayaa u diiday ehellada haweeneydan iney aastaan meydkeeda, walow markii dambe ay ogolaadeen ka gadaal banaanbax ay dhigeen dadka shacabka ah.
Caruurta ay dhashey haweeneydan ayaa ahaa agoomo, waxaana aabahooda horey isla deegaanka Buurane ugu dilay ciidamada Shisheeyaha Burundi.
Qaar kamid ah ehellada haweeneydan ay Shisheeyuhu dileen ayaa la hadlay warbaahinta waxayna ka hadleen sidii ay wax u dheceen.
Halkan ka dhagayso Ehallada Haweeney lagu dilay Buurane oo la hadlay Warbaahinta