Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa ku waramaya in halkaas ay ka dheceen howlgallo qorsheysan oo lagu khaarijiyay xubno katirsan Dowladda federaalka.
Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ayaa duleedka magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen Mid ka mid ah ergadii wax ka soo dhisay barlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo ee dowlada fedraalka Kaas oo lagu magcaabi jiray Cismaan Sagaarow.
Sidoo kale magaalada Muqdisho weerar kale oo qorsheyan ayey mujaahidiintu ku dileen askari lagu magcaabo Cabdullahi Maxamed , kaas oo ka tirsanaa ciidamada dowlada fedraalka.
Howlgallada ugaarsiga ah ee lagu beegsanayo ciidamada iyo shaqaalaha Dowladda federaalka ayaa si joogta ah uga dhaca magaalada Muqdisho iyo duleekeeda, waxaana laamaha amniga ee Dowladda federaalka ay ku guul dareysteen iney ka hortagaan weeraradaas.