Diyaarad nooca wax basaasa ah oo uu leeyahay Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay kusoo dhacday duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Sida aan xogta ku helay waxay diyaaradan maalmihii lasoo dhaafay ku dul heehaabeysay Garoonka Diyaaradaha iyo nawaaxigiisa iyadoo sawirro qaadeysay.
In yar kadib markii ay soo dhacday diyaaradda waxaa goobta gaaray ciidamo u tababaran hawlahan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo qiimeyn kadib halkaasi ka qaaday.
Diyaaraddan oo muuqaalkeeda loo soo bandhigay saxaafadda ayaa waxaa laga dheehanayaa iney cusub tahay sidoo kale aaney saqafyadeeda kore ka muuqan waxyeello soo gaartay.
Mid kamid ah saraakiishii hore ee Soomaaliya oo kusoo wax bartay Moosko iyo Washinton oo magaciisana u qariyay sababo ammaan lana tusiyay sawirrada ayaa sheegay in diyaaraddan ay tahay noocii ugu dambeeyay ee dhanka wax basaasidda uuna isticmaalo sirdoonka Mareykanka ee CIA.
Diyaaradahan kama hawl galaan oo kaliya dhulka Wilaayaadka islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Al-Shabaab, balse waxay dhibaato ku hayaan dadka ku dhaqan magaalooyinka ay shisheeyuhu heystaan iyagoo sawirro ka qaada suuliyada ama musqulaha korka ka feydan.
Sikastaba ha ahaatee ciidanka Mareykanka iyo kuwa Jubbaland ayaa awoodi waayay iney gaaraan goobta ay diyaaraddu kusoo dhacday oo aad ugu dhow garoonka diyaaradaha xilli dhawaan weerar istish-haadiyo ah lagula beegsaday Jannaay Cabdalla.
Marar badan oo hore, waxay Al-Shabaab sidan oo kale gacanta ugu dhigeen diyaarado Mareykanku leeyahay oo kusoo dhacay duleedyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo degaanada ku dhow.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA DIYAARADDA