HomeAll newsLa Taliyihii Axmad Madoobe oo Lagu Dilay Istish-haadiyo Ka Dhacday Kismaayo.

La Taliyihii Axmad Madoobe oo Lagu Dilay Istish-haadiyo Ka Dhacday Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacday camaliyad Istish-haadiyo ah (Nafhurnimo) taasoo lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland.

Mas’uulka la beegsaday oo ah la taliyaha gaarka ah ee Axmad Madoobe ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu gaaray dhaawac halis ah ugu dambeyntiina uu u geeriyooday.

Sidoo kale waxaa camaliyadda ku dhintay xubno isaga la socday oo ay ilaaladiisii kamid yihiin. Goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay ciidamo kuwaasoo qaaday meydadka iyo dhaawacyada.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka iyadoo sheegtay in Shaafi uu kamid ahaa mas’uuliyiinta sarsare ee Jubbaland.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa ahaa nin aad ugu dhow ciidamada Mareykanka kalana shaqeeya dhanka Istaraatiijiyadda waxaana ay sidoo kale geeridiisu dhaawac weyn ku tahay ciidamada Kenya iyo Axmad Madoobe hogaamiyaha Jubbaland.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo ku sugan Kismaayo, mas’uulkan ayaa ahaa nin galaangal ku leh dowladaha shisheeye ee danaha ka leh Kismaayo waxaana uu ka dambeeyay isku xirna Imaaraadka Carabta iyo hogaamiyaha Jubbaland.

Waxa kale oo uu kamid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee dowladda Kenya ka iibiyay in Axmad Madoobe laga dhigo hogaamiyaha maamulka Jubbaland, doorashadiisiina wuxuu ku bixiyay dhaqaale badan.

Intaa waxa dheer inuu kamid ahaa shaqsiyaadkii ka dambeeyay dib u doorashadii Axmad Madoobe waxaana dilkiisa uu Al-Shabaab uga dhigan yahay mid kamid ah dhakawyadii uu ku taagnaa mamulka Jubbaland oo la siibay.

Wax yar kadib geeridiisa, Axmad Madoobe ayaa soo saaray hadal qoraal ah oo uu ku sheegay inuu ugu tacsiyeynayo Shaafi isagoo ku tilmamaay nin muhiim u ahaa maamulkiisa.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular