Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey weerar nafhurnimo ah oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Dowladda federaalka ee Villa Somalia.
Weerarkan Nafhurnimada ahaa oo jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa lagu so waramayaa iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil iyo ciidamo u badan ilaalada madaxtooyada.
Ugu yaraan 6 qof oo askar iyo saraakiil isugu jira ayaa ku naf waayay camaliyadda, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen inkabadan 10 askar iyo saraakiil isuga jira, kuwaas oo ku sugnaa goobta xlliga ay dheceysay camaliyadda.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si buuxda u sheegatay masuuliyadda camaliyadda Nafhurnimada ah ee ka dhacday afaafka hore ee xarunta madaxtooyada oo uu deganyahay madaxweyne Maxa’ed Farmaajo.
Howlgallada kala duwan ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aad usii kordhaya mudooyinkii u dambeeyay, waxayna Mujaahidiinta ku hanjabeen iney sii laba laabi doonaan howlgalladooda Jihaadiga ah.