Waxaa gobolka Tigreega ee dhaca wuqooyiga wadanka Itoobiya ka billowday doorashooyin maxalli ah oo uu qabanayo is maamulka gobolkaas, taasoo aaney raalli ka ahayn xukuumadda dhexe ee Abey Axmed.
Magaala madaxda gobolka Tigreega ee Maqalla ayaa waxaa ka billowday doorashoyinka baarlamaaniga ah, iyadoo la filayo iney sii socdaan doorashooyinka, waxaana tallaabadan kasoo horjeeda dowladda dhexe ee uu hogaamiyo Abey Axmed.
Boqollaal askari oo katirsan ciidamada booliiska iyo milliteriga is maamulka Tigreega ayaa la dhigay xuduudaha uu gobolkaas la leeyahay qowmiyadaha Canfarta, Amxaarada iyo wadanka Ereteriya, waxaana taagan xiisad adag.
Halkan ka dhagayso Faafaahin ku aadan Doorashada gobolka Tigreega.