Dagaalyahanno katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada Dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya deegaanka Bariire ee u dhexeeya Afgooye iyo Awdheegle.
Waxaa u suuragashey ciidamada Mujaahidiinta iney dagaalkaas ku dilaan ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Dagaalka kadib waxaa u suuragashey ciidamada Mujaahidiinta iney la wareegaan deegaanka oo ay u khudbeeyaan dadka muslimiinta ah ee degan Bariire.
Waxay sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen askarta Dowladda federaalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerar kuwaas lamid ah ayaa isagana ka dhacay magaalada Jannaale ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalladan ka dhashey khasaare gaaray ciidamada Dowladda federaalka.