HomeAll newsDoon laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Oo ku degatay Xeebaha Jabbaan.

Doon laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Oo ku degatay Xeebaha Jabbaan.

Shirkad lagu magacaabo Al-Khaliij oo leh doonyo iyo maraakiib ganacsi ayaa shaacisay in mid kamid ah doonyaheeda ganacsiga ay ku degatay xeebaha wadanka Jappan.

Doonta ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xiriirkeeda la waayay iyadoo mareysa xeebaha Jappan, kana timid wadanka New Zealand oo ay kusii jeeday wadanka Shiinaha, iyadoo wada xoola nool.

Ugu yaraan 39 ruux oo katirsan shaqaalaha doonta iyo Afar ruux oo ah dadka ay u rarneyd ayaa saarnaa xilliga xiriirkeeda la waayay, waxaana jiray dabeylo adag oo ku dhuftay xeebaha ay ku socdaaleysay.

Waxaa loo badinayaa in  dhamaan dadkii saarnaa doonta iyo xooluhuba ay qarqoomeen, waxaana hantida saarneyd ay u rarneyd dowladda Shiinaha.

Ciidamada ilaalaha xeebaha badda Japan ayaa lagu soo waramayaa iney soo badbaadiyeen 2 ruux, iyadoo la heley meydka mid kale, 40 soo harey ayaana la rumeysanyahay in iyaguna ay dhinteen.

Shirkadda Al-Khaliij ayaa shaaca ka qaaday iney wado dadaallo dheeri ah oo ku aadan suurtagalnimada in la helo dad horleh oo ka badbaaday doontan degatay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular