HomeAll newsDaadadka Suudaan.. Inkabadan Boqol Dhimasho iyo kumanaan Guryo Oo dumay.

Daadadka Suudaan.. Inkabadan Boqol Dhimasho iyo kumanaan Guryo Oo dumay.

Dalka Suudaan wuxuu la noolyahay xaalad adag, kadib markii daadad xoogan ay ku dhufteen inta badan gobollada dalkaas.

Magaalooyin hoosyimaada caasimadda Suudaan ee Al-Khardhuum iyo inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ku dhuftay daadad xoogan, kuwaas oo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo burbur.

Inta haatan la xaqiijiyay 101 qof ayaa ku dhintay daadadkan oo harqiyay magaalooyin iyo dhul ballaaran, halka inkabadna 100 kun oo guryana ay ku burbureen, sida laga soo xiganayo masuuliyiinta wadanka Suudaan.

Golaha sare ee amniga ee wadanka Suudaan ayaa war uu soo saaray wuxuu  ku sheegay in dalka Suudaan uu yahay wadan ay ku dhufteen musiibooyin “dabiici ah”, 3 bilood oo soo socotana uu sidaas sii ahaan doono.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay daadadka ayaa muujinaya magaalooyin isku bedelay waro biyood ama harooyin, iyadoo dhisamayaashii guryahana ay badankood qarsoomeen.

Muslimiinta Caalamka ayaa loogu baaqay iney gurmad lasoo gaaraan malaayiin qof oo guryahooda ka cararay, islamarkaana ku dac dareysan magaalooyin iyo deegaanno baadiyo ah, kadib markii

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular