Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo isuga jira Kenyaati iyo Soomaali, kuwaas oo ku safrayay qeybo kamid ah Mandheera.
Kolonyo ka kooban 3 gaari oo isuga jiray ciidamo Soomalai iyo Kenyaati ah ayaa waxaa qarax lagula beegsadya inta u dhexeysa deegaannada Finow iyo Sheekh Barrow oo hoostaga gobolka Mandheera, waxanaa gaaray khasaare kala duwan.
Ciidamada ayaa shakiyay, waxaana ay keentay iney kasoo degaan gawaaridii ay la socdeen, markaasna waxaa haleeley qarax xoogan oo khasaare u geystay.
Inta haatan lasoo wariyay lix askari oo isuga jira Kenyaati iyo Soomaali ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay sidoo kale jiraan dhaawacyo intaas kabadan.
Guutooyin katirsna milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka howlgala dhulka NFD ee ka maqan Soomaaliya, waxaana ay beegsadaan laamaha kala duwan ee dowladda Kenya iyo xitaa dadka Nasaarada ah ee xooga lagu deegaameeyey halkaas.