HomeAll newsSudeysi Oo jeediyay Khudbad gogol xaar u ah Xiriir dhexmara Yahuudda iyo...

Sudeysi Oo jeediyay Khudbad gogol xaar u ah Xiriir dhexmara Yahuudda iyo Aala-Sucuud.

Imaamka iyo Khadiibka Xaramka ee taabacsan maamulka Aal-Sucuud ninka lagu amgacaabo Sudeys ayaa khudbaddii Jimcaha wuxuu kusoo qaatay mowduuc hadal heyn dhaliyay oo u muuqda mid gogol xaar u ah in maamulka Aala-Sucuud uu xiriir muuqda la yeesho maamulka Yahuudda.

Ciwaanka khudbada Jimcaha ee uu Sudeysi ka jeediyay masjidka Kacda waxay ahayd macaamilka wanaagsan ee Yahuudda, wuxuuna kusoo qaatay qisas ay sugtay Siirada Nabiga Salla-llaahu claeyhi wasallam, hase ahaate uu isagu siyaaqooda ka leexiyay, dano gaar ah oo gurracanna ka leeyahay.

Wuxuu sheegay iney wanaagsantahay in si wanagsan loola dhaqmo Yahuudda, si loogu so dumo buu yiri diinta Islaamka, isagoona sheegay in dad badan aaney si dhab ah u fahmin mas’alada Al-Walaa wal baraa.

Inkastoo dhacdooyin waaweyn oo ka hadal u baahnaa, ayna mudneyd in khudbadda Xaramka lagu soo qaato, oo ay kamid tahay aflgaadadii uu wargeyska Charlio Hebdo u geystay Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam, ayuu Sudeysi door biday inuu soo qaato mowduucaas aan soo tilmaamney.

Qeybaha kala duwan ee bulshooyinka muslimiinta ee dhageystay khudbadda Sudeysi uu ka jeediyay xaramka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid gogol xaar u ah in AalaSucuud uu xiriir toos ah la yeesho maamulka Yahuudda.

Waxay dadku tilmaamayeen in Xaramkii ay lahaayeen Muslimiinta uu markan qafaal ugu jiro koox yar oo katirsan boqortooyada maamulka Aala-Sucuud, kuwaas oo danaha gurracan ee ay leeyihiin u adeegsada.

Qaar kamid ah ducaada Muslimiinta ayaa sheegay ineysan banaaneyn in lagu dabatukado imaamka Kacbada, iyagoo ku tilmaamay munaafaqnimo iyo in Xaramka uu u adeegsanayo dano siyaasadeed.

Horey, wuxuu Cabdi-Raxmaan As-Sudeys imaamka Xaramka uu shaaca ka qaaday in Maraykanka iyo maamulka Aala-Sucuud ay caalamka ku hogaaminayaan horumar iyo wanaag, taasi oo ay Muslimiintu si adag u raddiyeen, maadaama lawada ogyahay dhibaatada dowladda Maraykanka ka geysaneyso caalamka Islaamka.

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular