Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday fariisimayaal dhowr ah oo ay ciidamada Shisheeye iyo kuwa DF ku leeyihiin Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose.
Shabeelaha Hoose waxaa la weeraray 7 xero kuwaasoo 5 kamid ah ay daggan yihiin ciidamada Shisheeye.
Weerarkii ugu horreeyay waxay Mujaahidiintu ku qaadeen ciidamada Uganda ee heysta xaafadda Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha.
Wuxuu ahaa weerar si toos ah u beegsanayay xerada iyadoo la maqlayay hubka ay labada geesood isku adeegsanayeen.
Sidoo kale waxaa isla fiidkii xalay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda ee jooga halka loo yaqaano Danow oo hoos tagta Qoryooley. Laba saac kadib weerarka xeradan lagu qaaday waxaa soo caga dhigatay diyaarad taasoo loo badinayo iney qaaday dhaawacyo.
Intaa waxa dheer oo ay xalay Mujaahidiintu laba jiho ka weerareen ciidamada shisheeye ee heysta Jannale iyo Nabmbar 60 oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Si lamid ah weerarada ayaa waxay sii marteen ciidamada DF ee jooga Awdheegle iyo Sabiid kuwaasoo si gaar ah xeryahooda loo beegsanayay.
Lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weeraradan waxaana ay kusoo aadayaan iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay joogto ahaayeen duullaanada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.
Dhanka Jubbada Hoose-na, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xalay weerar ku qaadeen askarta Mareykanka uu tababartay ee Soomaalid ah ee deggan Baarsanguuni.
Weerarkan ayaa ahaa mid xooggan waxaana hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta laga maqlayay degaano kala duwan oo dhaca duleedyada magaalada Kismaayo.
Todobaad ka hor ayay ahayd markii ay Mujaahidiintu dharaar cad weerar ku qaadeen xeradan halkaasoo ay isaga carareen ciidamadaas Soomaalida ah ee uu Mareykanku ku aqdaanto.