HomeAll newsCiidamo Kenyaati ah Oo Weerar kamiin ah loogu dhigay duleedka Afmadow.

Ciidamo Kenyaati ah Oo Weerar kamiin ah loogu dhigay duleedka Afmadow.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku  waramaya in weerar dhabagal ah loo dhigay ciidamo katirsan kuwa Dowladda Kenya ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Askarta Kenya aya waxaa kamiinku qabsaday xilli ay ku safrayeen duleedka degmada Afmadow ee Jubbada hoose, waxaana lasoo warinayaa in dagaalku ahaa mid aad u xoogan.

Goobjoogayaal magacyadooda diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa shaaca ka qaaday inay arkayeen uuro iyo qiiq madow, taasi oo ka dhalatay gantaallada garbaha laga tuuro ee lagu garaacayay gawaarida ciidamada Kenya.

Lama hayo khasaarhaa rasmiga ah ee gaaray ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular