Wararka ka imaanaya dhulka uu gumeysiga ku heysto maamulka Yahuudda ee ay leeyihiin muslimiinta Filastiin ayaa ku waramaya in qof Yahuudi ah lagu dilay weerar keligii duulnimo ah oo ka dhacay dhulkaas.
Ruuxa Yahuudiga ee lagu dilay weerarkan tooriyeynta ah ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 39 sano, waxaana uu u dhintay dhaawac garaab ah oo soo gaaray.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaan Yahuudda lagu degaameeyay oo loogu magacdaray Biitaax Takfaa, oo dhaca galbeedka ku aadan bartamaha dhulka ay xooga ku heystaan Yahuudda.
Ciidamada maamulka Yahuudda ayaa lagu soo waramayaa iney gacanta ku dhigeen fuliyaha weerarka oo ah qof muslim ah oo kasoo jeeda magaalada Naabulis, waxaana da’diisa lagu sheegay kudahwad 50 sano.
Warbaahinta maamulka Yahuudda ayaaa xaqiijinaya in ruuxa Yahuudiga ah ee lagu dilay weerarka uu ahaa baaderi weyn oo ka howlgeli jiray kaniisad ku taalla deegaanka uu weerarka ka dhacay.
Wuxuu kusoo aaday weerarkan, iyado maanta uu ra’iisul wasaaraha maamulka Natanyahu u dabaal degay oo uu ku faanay in sanad kaamil ah aanu jirin wax weerar keligii duulnimo ah oo ka dhacay dhulka uu xooga ku heysto maamulkiisa.