HomeAll newsSoo Afjarida howlgallada milliteri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya.(Warbixin)

Soo Afjarida howlgallada milliteri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya.(Warbixin)

Saraakiil Maraykan ah oo tababar siinaya askar Soomaali ah.

Baare u dhashey wadanka Maraykanka ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlayo dagaalka Maraykanka uu kaga jiro Soomaaliya iyo raja beelka tobanaan sano kadib ka taagan in lasoo afjaro halganka Jihaadka ee ay hogaamineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warbixin ciwaan looga dhigay “Soo afjarida howlgallada milliteri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya” islamarkaana uu qoray baarre lagu magacaabao Paul D. Williams, ayaa lagu  daabacay website-ka War on the Rocks, waxaana warbixintu ay soo jeedineysaa talooyin ku socda dowladda Maraykanka.

Waxay sheegeysaa warbixintu, in inkabadan toban sano kahor uu Maraykanka si toos ah ugu lug yeeshey dagaalka lagula jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, qarashka ku baxaya dagaalladaasna uu aad u kordhayo, iyadoo aaney jirin halisyo amni oo hoos u dhacaya, taas bedelkeedana ayba sii kordhayaan.

Paul D. Williams oo ah macallin wax ka dhiga jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka, ahna qofka qoray warbixintan ayaa ku talinaya in Maraykanka ay la gudboontahay inuusan hadaf ka dhigan in qaab milliteri looga guuleysto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas bedelkeedana ay tahay in wadahadal lala galo Al-Shabaab.

Hadaba si loo meel mariyo aragtida Williams, wuxuu sheegayaa iney la gudboontahay Maraykanka inuu ka shaqeeyo sidii uu u joojin lahaa dagaalka uu ka wado Soomaaliya, isagoo cagta saaraya wadada wadahadallada, sidoo kalena cadaadis saaraya Dowladda federaalka si ay u ogolaato wadahadallada.

Marka loo eego aragtida baarahan Ameerikaanka ah, wuxuu ku talinayaa in Maraykanka uu marka hore mideeyo Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo aad isugu dhacsan, khilaafaad xooganna uu ka dhexeeyo.

Haddii uu Maraykanka ku guuleysto arinkaas, waa inuu u gudbaa qorshaha labaad oo ah sida uu qabo Paul D. Williams in lagu cadaadiyo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iney wadahadal la galaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Tan iyo sanadkii 2007-da ayuu qabaa Paul D. Williams in Maraykanka u si toos ah u taageerayay dagaalka ka socda Soomaaliya, isagoo garab siinaya ciidamadii Itoobiya iyo shisheeyaha AMISOM, wuxuuna sheegayaa in dagaalku noqday mid lagu dhiig bixiyo isbaheysiga Shisheeyaha, tan iyo sanadkii 2016-na aaney jirin dagaal muuqda oo Shisheeyuhu la galay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay leedahay dhaqaale ku filan oo ay ku fulin karto howlgallo isku duba dhacsan, welina kaa zuulin iney qorato ciidamo dheeraad ah, awoodna waxay u leedahay iney dhex jeexdo cadowgeeda, isla xilligaasna waxaa aad looga shakinayaa awoodda Dowladda Soomaaliya” ayuu leeyahay Paul D. Williams oo qoray warbixinta.

Marka loo eego Maraykanka, waxay warbixintu sheegeysaa in siyaasad la’aanta dowladda federaalka ay keeneyso in Maraykanku istiraatiijiyad aan fadhin uu ku wajaho dagaalka ka socda Soomaaliya, oo uu maamulka Trump sii xoojiyay tan iyo markii uu yimid Aqalka cad.

Ciwaan jaanibi ah oo uu qoraaga warbixinta kaga hadlayo masaalixda Maraykanka ee Soomaaliya ayuu ku sheegayaa in danaha Maraykanka uu ka leeyahay dalkan ay tahay mida xadidan, taas oo ah dabcan marka laga hadlayo in amniga Maraykanka uu ku xiranyahy kan Soomaaliya.

Sidaasoo ay tahay maamulladii is xig xigay ee Maraykanka waxay taageero dhinaca siyaasadda iyo milliteriguba siiyeen  Dowladda federaalka iyo ciidamada Shisheeyaha, si loo taag dareysiiyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Inkastoo Maraykanka aanu waxba la harin marka laga hadlayo dagaalka Soomaaliya, sida ay warbixintu sheegeyso, hadana dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu qabsaday warbaahinta, kuwaas oo marar badan ka hadlay khasaaraha nafeed ee gaaraya dadka shacabka ah ee ka dhasha duqeymaha uu Maraykanka ka geysanayo dalkan Soomaaliya, iyo weerarada xasuuqa ah ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fuliso gaar ahaan kuwa beegsada Ameerikaanka.

“Weerarkii ugu dambeeyay ee ay ku dhinteen dad Ameerikaan ah, wuxuu dhacya January 2020ka, kolkii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeratay saldhiga Manda bay ee ku yaala dalka Kenya, kaas oo marka loo eego qirasahda Maraykanka ay ku dhinteen 3 askari” ayuu leeyahay qoraaga warbixinta Paul D. Williams oo macallin ka ah jaamacadda Goerge Washington ee dalka Maraykanka.

Maalmo kadib weerarkii Manda bay warbixin kasoo baxday gudiga Congreska ee qaabilsan arimaha ciidamada, waxaa lagu soo gudbiyay in taliyaha Africom uu ku tilmaamay Al-Shabaab inay tahay shabakadda ugu ballaaran ee Al-Qaacida hoostagta, si firfircoonna uga howlgasha Caalamka, halista ugu daranna ku heysa danaha Maraykanka.

Inkastoo uu Maraykanku qirtay in weerarkii Manda bay lagu dilay 3 askari oo Maraykan ah, hadana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xaqiijisay in weerarkaas ay ku dishey 17 askari oo Maraykan ah.

“Kadib dagaal xoogan oo qaatay in kabadan 10 saacadood ah oo ay Mujaahidiintu si geesinimo ku dheehan tahay ula galeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigga dhufeysyada adag lagu xeyndaabay Manda Bay ee dalka Kenya, wuxuu Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ogaaday in ciidamada Mareykanka ee dagan saldhigaas dhabarka loo saariyey khasaare lixaadleh lagana dilay in ka badan 17 askari, iyadoo sidoo kalena weerarkaas lagu dilay 9 askari oo Kenyaati ah.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeed xilligaas kasoo baxay matkabka Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Markale, wuxuu qoraaga warbixintan cusub ee uu baahiyay website-ka War on the Rocks laguna magacaabo Paul D. Williams uu ka hadlayaa marka aragtidiisa loo eego muhiimadda ay leedahay in Maraykanka uu wadahadal la galo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Paul D. Wlliams wuxuu dowladda Maraykanka ku dhiiragelinayaa iney ka shaqeyso sidii loo heshiisin lahaa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyadoo uu Maraykanka fududeynayo wadahadalka, sidoo kalena lacago ku taageeraya mashruucaas, si siyaasiyiinta Soomaalidu u ogolaadaan.

Marka lagu guuleysto qodobkaas, wuxuu Paul D. Williams sheegayaa iney tahay in laga shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Soomaaliya, iyadoo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab lala gaarayo heshiis nabadeed oo loo marayo wadahadalallada, xilligaasna ay tahay in dalka laga saaro ciidamada Shisheeyaha.

Inkastoo arinkan aanu ahayn mid sahlan sida uu qabo qoraaga warbixinta, hadana wuxuu soo jeedinayaa in la qaado tallaabo weliba oo suuragelin karta, tusaale In la joojiyo weerarada diyaaradaha Maraykanka ay ka geysanayaan Soomaaliya, sidoo kalena meesha laga saaro beegsiga hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warbxiinta Paul D. Williams waxay ku biireysaa warbixnno is xig xigay oo bilihii ugu dambeeyay soo saarayeen maraakiizta Diraasaatka iyo shakhsiyaad caan ah oo kasoo jeeda wadamada reer galbeedka, kuwaas oo dhamaantooda isku raacay in Maraykanka aanu awood u lahayn inuu ka takahluso Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab, taas bedelkeedana ay tahay in wadahadal lala galo Mujaahidiinta, lana joojiyo duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya.

Warbixintii tan ka horeysay waxay ahayd diyaarasad uu soo saaray machad lagu magacaabo Chatham house oo fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska, taas oo qeexday in dagaalka Maraykanka ee Soomaaliya uu yahay mid fashilmey, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay sii xoogeysatay, sidaas darteed ay tahay in wadahadal lala galo Xarakada Al-Shabaab oo ka jihaada wadamada bariga Africa.

Halkan ka dhagayso Warbixin War on the Rocks- Wadahadal halala galo AlShabaab

 

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. Asc waad mahadsantihiin bahda
    Warbaahinta alfurqaan
    Waa arin xun foolxumo leh
    Ilaahay hakaqabto umada
    Muslimka ah soomali

  2. Nabad nin u baah nayn anaga nooma nacam leeyo
    Dalkan ninan nalalahayn anaga naguma yuusaayo
    Nasab iyo dhalyana maanunihin nacab amriikaane
    Dulmuu noogu yimid iyo inuu nuugo hantideene
    Nuklayr iyo haduu miina waal nagu xasuuqaayo
    Marna inan nuglaa naa walayan naga sugayn abide
    Naxligiyo war xumadau wadaa nagama iibshaane
    Nolol bayna dhimashadu utahay nuur xagee naahe
    Nahla, aanta gaaladu qabtiyo nooca fahankoodu
    Nash inu dushiis saaran yahay sowma noqonayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular