Ciidamo katirsan Dowladda federaalka ayaa rasaas khasaare kala duwan dhalisay waxay ku fureen dadweyne shacab ah oo ku sugan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo marayay nawaaxiga bar kontorool oo ku taalla isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan waxay rasaas aan loo meel dayin u fureen jihooyinka.
Askarta oo sida muuqatay qalqal xoogan uu soo wajahay ayaa rasaas ooda uga qaaday dadkii shacabka ahaa ee halkaas marayay, waxaana rasaasta ay fureen ay sababtay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 3 ruux oo labo ay ahaayeen shacab, halka kan saddexaad uu ahaa askari booliis ah ayaa ku dhintay rasaasta ay fureen ciidamada Dowladda federaalka, halka ay dhaawacmeen 10 kale oo dhamaantooda ahaa shacab.
Inta badan ciidamada Dowladda federaalka marka ay marayaan wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa soo wajaha qalqal iyo xasilooni la’aan, waxaana ay ka baqaan iney la kulmaan weeraro kaga yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasoo keenta iney rasaas aan loo meel dayin furaan.
Shufto weeye horaroo
Shacbigay halaageen
Waxna uma hambeeyaan
Haorar kama xoreeyaan
Horukaca lagaariyo
Hawshi kama shaqee yaan
Hidihiyo dhaqamadii
Iyo diinta ay haleeyaan
Hambo oo cantuugoo
Hungurigod waxaan ayn
Kuma hawlgalaayaan
Hadur weeye dhiigood
Hala may astaahilin
Rabigay halaagaas
Hilbeeyoo shacbiga luray
Halyeeyada islaamkow
Halkii aad kumaqashaan
Hambo kulay tahay
Harcad laaya cadaw gaa
Waa hiil amxaariyo
Horor kii nasaaree
Waligeen nahodi jiray