Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday bar isbaaro ah oo ay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka oo dhacay goordhow waxaa lagu beegsaday askar joogtay isbaaro ku taalla deegaanka Danow ee Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashey khasaare kala duwan oo gaaray askartii halkaas joogtay.
Afar askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu dilay weerarka, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen shan kale, Mujaahidiintana waxay weerarka kusoo furteen labo qori oo midi dabajeex yahay.
Isbaarada la weeraray waxay kamid ahayd goobaha lagu dhibaateeyo dadweynaha iyo gaadiidka, waxaana marar badan jiray darawallo ka cabtay dhibaatada iyo baada ay halkaas kula kulmaan.
Howlgallada ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa ku jira kuwa burcad sifeyn ah oo lagu beegsado askarta Dowladda federaalka ee dhibaateeya gaadiidka iyo dadweynaha shacabka ah ee saaran.
Dalkan idin kaa u ciidana
Diintana idin kaa u qiiroon
Damiir idin kaa lohoo
Bulshada ku dabar jaree
Dariiq walba uga gudbane
Dayacay ee bay lahshee
Doofaarada noo xirxiray
Diloo laayoo jaroo
Docday marayaan gartoo
Duufaan ku kiciya shuftada
Dumarkay kufsanayaan
Dulmigay gaysana hayaan
Mooryaanta daldala kurtood
Dawdiyo wadaday maraan
Dariiqay baadayaan
Isbaaraday daad sadeen
Diryaanka kayeeriyoo
Dayuusiinta laaya oo
Dahira waa jeermisee
Daacuuniyo waa jiree
Karoona kadaran wuxuye
Diloo laaya waa garee
Dal dala waa cadaw xunee
Danaw iyo ceel wareeg
Dusheeda golwayn karara
Qoryooley wada dahira
Baraawena doorka xiga
Isbaaraday daad sadeen
Dusheeda kulaaya oo
Diloo dabar jara kurtood
Nin kii xaq u taaganee
Xiftiya diintiyo sharciga
Xanaaneeya maatadee
Xasuuqa kufaarta ee
Mooryaanta xabsiga dhigee
Xanuujiya kii murtada
Xigmiyo garashana kudara
Xaajadu rabo inu fushoo
Xadiiska Bulshada baree
Xoogaa dhimriyee utura
Xaaskiyo kuwa baahanee
Xanaaneeyee yatiin
Xaqiisa kan duudsiyana
Xoog uga qaadee yac dhaha
Xaglaha jara gaaladiyo
Ximaarada ay rartaan
Xasuuqee kala dukdhaca
Isbaarada xaaqa taal
Xuduuda kuwaa gudbee
Xaqii Eebahay dafiray
Xanuujiya waa garee
Xiftiya midnimada xiftiya
Kufriga xaalufinahayee
Macdanta xadee gurtee
Xeeliyo dhagar aawadeed
Xukuumad ridaa dhistee
Xoog nagu maamulee
Xeebtiyo barigeena dagay
Xaqaa nooga maqan karida