Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday howlgallo lagu beegsaday ciidamada xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya iyo ciidamada Dowladda federaalka.
Weerarka ugu horeeya wuxuu ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu qaaday difaacyada ciidamada Itoobiyaanka ee deegaankaas.
Dagaalka oo ahaa mid culus la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday in muda ah, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro waxyeello gaartay ciidamada Itoobiya.
Weerar midkaas lamid ah ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada maamulka Hir Shabeelle ku leeyihiin duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah.
Dhinac kale, gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay weerar lagu dilay askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray isbaaro ciidamada Dowladda federaalka u tiillay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu dilay weerarka, halka ay jiraan tiro kale oo dhaawacantay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laabtay weerarada ay ku beegsaneyso ciidamada Dowladda federaalka iyo Shisheeyaha dalka ku sugan, xilli ay waqtigeedu gabaabsi sii yahay dowladda uu hogaamiyo Maxamad Farmaajo.