Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerarkii cuslaa ee gelinkii dambe ee maalintii shalay guuto katirsan Naftood huriyaasha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel ay deganyihiin xubno katirsan Dowladda federaalka oo ku yaala magaalada caasimadda ah.
Weerarka oo soo idlaaday saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa ka dhashey waxyeello kala duwan oo gaartay xubnaha Dowladda federaalka ee deganaa hotelka Elite, kuwaas oo u badnaa masuuliyiinta wasaaradaha Dowladda federaalka.
Inta haatan la hubo 25 ruux oo ka tirsan waaxyaha kala duwan ee DF ayaa ku dhintay weerarka.
Halkan Ka Degso Warbixintii Ugu Dambeysay