HomeAll newsDr. Suldaan Garyare: "Itoobiya Wey Sii Burbureysaa" (Dhageyso)

Dr. Suldaan Garyare: “Itoobiya Wey Sii Burbureysaa” (Dhageyso)

Aqoonyahan Suldaan Maxamad Garyare oo ay wareysatay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka waramay xaaladda guud ee Itoobiya sida:- xilkaqaadistii Wasiirkii Gaashaandhigga iyo isi soo tarka qowmiyadaha diidan xukuumadda dhexe ee Adisababa.

Suldaanka ayaa sheegay in tallaabadii xilka looga qaaday wasiirkii Gaashaandhigga ay sii murjineyso xaaladda Itoobiya gaar ahaan kacdoonadii ka socday gudaha dalkaas, maadaama uu isagu diidanaa dhibaatayna qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qowmiyado ay kamid tahay Tigree ay sii kordhiyeen handadaada ka dhanka ah xukuumadda dhexe, culeyskaasna uu kusoo biiray qowmiyado ay kamid tahay Walleyta oo dalbatay maamul ay u madax bannaan tahay.

Dhanka kale Itoobiya ayaa waxaa heysta culeysto dhanka dibadda ah oo ay kamid tahay qadiyadda biyo xireenka Wabiga Niil, waxa kale oo aan ka wareysanay hanjabaadyo is daba joog ah oo ay maalmihii lasoo dhaafay u dirayeen maamulka Somaliland oo ay ku heystaan wufuud Masaari ah oo uu marti qaaday.

Halkan Ka Degso Wareysiga Suldaan garyare

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular