Waxaa si rasmi ah is casilaad ugu dhawaaqay xukuumadda wadanka Lubnaan ee uu hogaaminayay ninka lagu magacaabo Xasan Diyaab, xilli weli uu caalamka ku jah wareersanyahay waxa uu ahaa qarixii cuslaa ee ka dhacay dekadda magaalada Bayruut.
Kalimad uu jeediyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda is casishey ayuu ku sheegay in xukuumadiisa ay gebi ahaanba is casishey, isagoona weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Lubnaan oo uu ku tilmaamay kuwa ku asteysan musuq maasuq.
“Talaabooyin ayaan dib u laabaneynaa, si aan dadka ula dabaalanno dagaalka isbedel doonka ah, sidaas darteed waxaan ku dhawaaqayaa iney is casishey xukuumadan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Diyaab.
Madaxweynaha wadanka Lubnaan Meshel Con ayaa aqbalay is casilaada xukuumadda, isagoona sheegay iney howsha sii wado inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.
Xukuumadda is casilaada ku dhawaaqday ee Xasan Diyaab ayaa dhawaan baaritaannada qarixii Beyruut waxay ku wareejisay hay’ada ugu sareysa ee garsoorka wadanka Lubnaan, taasi oo ifafaalo u ahayd iney is casili doonto.
Weli majiro wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaannada ku aadan qarixii Bayruut, kaas oo tirada dhimashadiisa ay gaartay inkabadan 160 ruux, halka dhaawacayda ay kumanaan kun gaarayaan.
Tan iyo markii uu qaraxaas dhacay waxaa dalka Lubnaan ka soconaya dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan madaxda wadankaas ka talisa oo ku caan baxay musuqa iyo wax isdaba marinta, iyadoo talada dalka ay si buuxda gacanta ugu hayo ururka shiiciga ah ee la magac baxay Xisbullaah.