HomeAll newsDagaal Suuqa Xoolaha Ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka.

Dagaal Suuqa Xoolaha Ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen fariisin milliteri oo ay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid in muda ah socday, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa geystay  khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Dowladda federaalka.

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamadii joogay goobta la weeraray ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay dagaalka, halka ay sidoo kale dhaawacmeen labo kale oo iyagana katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Goobjoogayaal ku sugan Suuqa Xoolaha waxay tilmaameen in dagaalka uu ahaa mid waqti qaatay, lana arkayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si muuqata uga dagaallamaya fagaaraha la isku qabtay.

Dagaalka kadib, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen.

Howlgallada magaalada Muqdisho ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa u muuqanaya kuwa sii xoogeysanaya marba marka ka dmabeysa, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo dhawaan camaliyad Nafhurnimo oo ka dhacdya degmada Wardhiigley ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen kudhawaad lixdan askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular