HomeAll newsDiyaarad ay saaran yihiin inkabadan 20 Ruux oo lagu la'yahay gudaha dalka...

Diyaarad ay saaran yihiin inkabadan 20 Ruux oo lagu la’yahay gudaha dalka Nibaal.

dec02b6398acd2752c8672a14103d0b0eb2a1e51_0

Sida ay sheegtay shirkadda duulimyaadyada Taara Ayr ee dalka Nibaal, waxaa la la’yahay raadka diyaarad ay saarnaayeen 21 Ruux, taas oo saaka ka duushey magaalada Bookahaara kuna sii jeeday magaalo kale oo lagu magacaabo Joomsoom.

Maamulka Diyaarada ayaa sheegay in diyaaradu saarnaayeen 21 Ruux, waxaana uu sheegey maamulku in mar qora ah la waayey xiriirkii Diyaaradda, waxaana xilligaas ay mareysay goob buuralley ah oo u dhexeysa magaalooyinka Buukahaara iyo Joomsoom.

Diyaarado Helicompter ah oo baadi gooba diyaaradda la la’yahay ayaa la diray, waxaana wali ay ku guuleysan la’yihiin helida halka ay ku sugantahay diyaaradan oo loo badinayo iney bur burtay.

Waxaa sidoo kale la ogeyn xaalada rasmiga ah ee ay ku jiraan dadkii Diyaaradda saarnaa kuwaas oo 21 Ruux gaaraya, waxaana jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumadda dalkaas marka laga reebo maamulka shirkadda diyaaradda iska leh oo warkan soo saaray.

Niibaal ayaa ka cabanaya dhibaatooyin Rabaani ah, waxaana wali aysan kasoo kabsan dhul gariirkii weynaa ee bishii April sanadkii 2015 ku dhuftay dalkaas, kaas oo ay ku dhinteen dad aad u farabadan kuna burbureen magaalooyin waaweyn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular