
Magaalada Jilib waxaa goordhow ka dhacay duqeyn wuxuushnimo ah oo ay geysteen diyaaradaha dowladda Maraykanka, taas oo ay ku beegsadeen xaafado ay deganyihiin dad shacab ah oo ku yaala magaalada.
Dhowr gantaal ayaa ku dhacday xaafado isku raran ah oo ku yaala magaalada Jilib, kuwaas oo ay deganyihiin dadka shacabka ah, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashey duqeymhan.
Ugu yaraan 3 caruur ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen duqeynta ay diyaaradaha Maraykanku ka geysteen goordhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Dadka degan magaalada ayaa ku xoomey goobta ay ka dhacday duqeynta, iyagoo qaaday meydadka caruurta da’da yar ee xilliga ay duqeyntu dhaceysay ku cayaarayay banaanka.
Duqeyntan wuxuushnimada ah ayaa timid xilli taliska Maraykanka ee Africom war uu soo saaray maalintii shalay ku sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen bishi February magaalada JIlib ay ku dileen qof shacab ah, sidoo kalena ku dhaawaceen 3 kale.