Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay gaari uu saarnaa gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee maamulka Banaadir ee Dowladda fedeaalka ninka lagu magacaabo.
Qaraxa oo ahaa mid aad u culsaa kana dhacay xaafadda Sancaa ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa sida wararka lagu helayo ka badbaaday gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee hadafku ahaa kaas oo lagu magacaabo Muuse Geesey Jimcaale.
Mid kamid ah ilaalada gudoomiyaha ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmey qaraxan, kaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka.
Muuse Geesey Jimcaale oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in isagu aan la beegsan oo qofka la beegsaday uu ahaa masuul sare oo katirsan maamulka Banaadir.
Muqdisho waxaa maalmahan kusoo badanaya qaraxyada lagu weerarayo saraakiisha Dowladda federaalka iyo ciidankooda, xalay ayayna ahayd markii toban qarax degmooyin katirsan Muqdisho lagula eegtay ciidamada Dowladda federaalka.