HomeAll newsBaarlamaanka Masar Oo Ansixiyay in Ciidamo Loo diro Liibiya.

Baarlamaanka Masar Oo Ansixiyay in Ciidamo Loo diro Liibiya.

Kala fadhi ay yeesheen golaha baarlamaanka wadanka Masar ee dowladda uu hogaamiyo Cabdil Fataax As-Siisi ayay ku meel mariyeen in dowladda Masar ay ciidamo u dirto wadanka Liibiya.

Kulan deg deg ah oo ay si lama filaan ah u yeesheen golaha baarlamaanka wadanka Masara ayay ku tilmaameen in dowladda ay u fasaxayaan in ciidamo ay u dirto Liibiya, halkaas oo ay ka soconayaan dagaallo u dhexeeya xukuumadda Al-Wifaaq iyo malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar.

Baarlamaanka Masar ayaa si aqlabiyad ku ansixiyay qaraarkan, iyagoo sheegay in amniga Masaru u halis ku jiro, haddii xukuumadda Al-Wifaaq oo ay taageereyso dowladda Turkiga la wareegaan magaalada Sirta ee dalka Liibiya.

Fadhiga golaha baarlamaanka Masar isugu yimaadeen waxaa ka horeeyey kulan uu magaalada Al-Qaahira kula yeeshey madaxweynaha Masar Cadil Fataax As-Siisi odayaal la sheegay iney matalaan qabaa’ilka dega wadanka Liibiya.

Siisi ayaa odayaashas u ballanqaaday inu hubeynayo, iyaguna ay tahay iney ka qeybgalana dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Al-Wifaaq oo ah mida ay aqoonsanyihiin dowladaha ku mideysan Qaramada Midoobay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular