HomeAll newsDhisme Saddex Dabaq ka kooban Oo kusoo dumay Muqdisho.

Dhisme Saddex Dabaq ka kooban Oo kusoo dumay Muqdisho.

Degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho waxaa xalay kusoo dumay dhisme saddex dabaq ka kooban oo ay degnaayeen qoysas dhowr ah.

Dabaqa soo dumay ayaa ku yaala nawaaxiga saldhiga Afar irdoodka ee degmada Xamar weyne, waxaana xilliga uu soo dumayay dhismaha gudaha ku jiray dadkii deganaa.

Ugu yaraan 12 ruux oo xilliga uu dhismaha soo dumayay ku jiray gudaha ayaa Allaah uu ka badbaadiyay, waxaana keliya 5 ruux oo kamid ah gaaray dhaawacyo fud fudud.

Dhismaha soo dumay ayaa la sheegay inuu ahaa dhismayaashii qadiimiga ahaa ee xilliyo hore la dhisay, kuwaas oo ku badan degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Waxaa loo aaneynayaa dumista dhismahan iyadoo maalmihii lasoo dhaafay roobab lagu diirsaday ay ka da’yeen magalaada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular