Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ayaa ku waramaya in isibtaalka la dhigay boqorka maamulka Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil Caziiz kadib markii uu kusoo booday xanuun lama filaan ah.
Bayaan kasoo baxay diiwaanka boqortooyada maamulka Aala-Sucuud ayaa lagu xaqiijiyay xanuunka Salmaan bin Cabdil Caziiz, iyadoo la dhigay isbitaalka Feysal ee ku yaala magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.
Inkastoo aanu maamulka Aala-Sucuud si dhab ah kaga hadlin qaabka loo hayo boqorkooda, hadana bilooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxyaya warbixnno la xiriira in xaaladda caafimaad ee Salmaan bin Cabdil Caziiz ay liidato, islamarkaana ay luntay xusuustiisa iyo ogaalkiisaba.
Hadda waxaa howsha maamulka Aala-Sucuud si dhab ah gacanta ugu haya dhaxalsugaha maamulkaas ee uu dhalay Salmaan, kaas oo lagu magacaabo Muxamad bin Salmaan.