Wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa ku guuleystay iney furto machad sharci ah oo lagu baranayo Qiraa’aatka Qur’aanka kariimka, islamarkaana la isku siinayo Ijaazo sanad ah.
Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday degmada Jilib ee Jubbooyinka, taas oo xariga looga jarayay machadka barashada Qiraa’aatka Quraanka Kariimka ee Al-Imaam As-Sakhaawi.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka oo uu ugu horeeyo Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla waaliga Jubbooyinka iyo qaar kamid ah nabadoonnada Jubbooyinka.
Kalimado goobta laga jeediyay waxaa looga hadlay muhiimadda uu leeyahay Quraanka iyo sida loogu baahnaa machadkan lagu baranayo Qiraa’aatka ee laga furay wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.
Waa markii ugu horeysay machad noocaan ah laga furo wilaayaatka islaamiga ee Soomaaliya, wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaana noqotay wilaayadii ugu horeysay ee hirgelisa machadkan ay bulshada gaar ahaan ardeyda ay baahi badan u qabeen.
Daawo Sawirro laga soo qaaday furitaanka machadka.