HomeAll newsYantaar Iyo Dabarre oo Diyo Ku Kala Qaatay Jubbooyinka.

Yantaar Iyo Dabarre oo Diyo Ku Kala Qaatay Jubbooyinka.

Beelaha Dabarre iyo Yantaar ayaa waxay diyo ku kala qaateen kulan ka dhacay degmada Saakow, wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka.

Kulankan ayaa daba socday kulamo hore oo hadba qeyb lagu bixinayay diyada laba qof oo laga dilay beesha Yantaar kadib markii maxkamdda islaamiga ee Xarakada Al-Shabaab u garsoortay labada dhinac.

Labada beelood ayaa diyada u kala qaatay sidii ay maxkamaddu qorsheysay oo ahayd in muddo sadax goor ah la kala bixiyo.

Beesha Yantaar ayaa beesha kale ee ay walaalaha yihiin u cafisay 10 neef oo kamid ah diyada loo xukmiyay oo gaareysay 200 neef oo geel ah, waxaana la siiyay 190 neef.

Wajigii koowaad waxay gudoontay 10 neef oo Geel ah oo lagu qiimeeyay 100 milyan oo shilinka Soomaaliga ah, wajiga labaad-na waxay qaadatay 100 neef oo geel ah oo lagu qiimeeyay 1 bilyan oo shilinka Soomaaliga ah, halka kulanka 3aad oo dhacay Jimcihii lagu wareejiyay 80 neef oo geel ah oo lagu qiimeeyay 800 milyan oo shilinka Soomaaliga ah, halkaa ayayna iyagoo faraxsan isku macsalaameeyeen odayada labada dhinac.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qabaa’ilka ku dhaqda shareecada islaamka taasoo yareysay isku dhacyadii badnaa ee horey u jiri jiray waxaana qofkii qof dila la waafajiyaa Shareecada Islaamka iyadoo dadka dhiigga leh la dooran siiyo in loo qisaaso, in dilo looga qaado iyo iney iska cafiyaan.

Tan bilcagsigeeda dhulalka ay heystaan ciidamada Shisheeye iyo kuwa ay ka arrimiyaan Maamullada iyaga ku daaban waxaa ka jira dil joogto ah mana jiraan wax ququuq ah ee ay leeyihiin dadka sida gardarrada ah lagu laayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular