Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro qorsheysan ka fuliyeen degmooyinka Waajid iyo Diinsoor oo katirsan gobollada Baay iyo Bakool.
Waajid, rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Waajid, halkaas oo ay ku dileen masuul katirsan maamulka Koonfur galbeed.
Masuulka la khaarijiyay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Weydoow, wuxuuna ahaa nin wada shaqeyn dhow la leh ciidamada Itoobiyaanka ee halkaas duulaanka ku jooga, isagoo dadka shacabka ah u adeegsan jiray ciidamada Xabashida.
Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen difaac ay ciidamada maamulka Koonfur galbeed ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka fud fudud iyo kuwa dhexe ayaa ka dhacay gudaha degmada, waxaana goobjoogyaal soo wariyeen iney maqlayeen takbiirta ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa Xabashida ayaa deegaannada ay ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool waxay ka geystaan dhibaatooyin kala duwan oo ka dhan ah bulshada, waxaana dhankooda ay la kulmaan weeraro kaga yimaada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.