Wadanka Suudaan waxaa ka billowday olole ballaaran oo ay qaadeen ciidamada milliteriga Suudaan, kuwaas oo lagu qab qabanayo cida weliba oo dhaleeceysa xukuumadda ku meel gaarka ah ee Suudaan iyo ciidanka milliteriga dalkaas.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska milliteriga ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay in la aas-aasay guddi qaabilsan dabagalka dadka dhaleeceeya ciidamada milliteriga Suudaan, islamarkaana wax ku qora baraha bulshada, waxaana saraakiishu ku goodiyeen iney tallaabo ka qaadi doonaan dadkaas.
Tobanana ruux oo Suudaaniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga loo dhaadhiciyay, kuwaas oo ay ku jiraan shakhsiyaad iyo wariyaal magac ku leh gudaha dalka, kuwaas oo eedeyn looga dhigay iney baraha bulshada ka dhaliileen siyaasadda Dowladda Suudaan iyo tan ciidanka Milliteriga.
Go”aankan ayaa u muuqanaya mid gogol xaar u ah olole ballaaran oo lagu qab qabanayo dadka shacabka ah, ee dhawaan ka hor yimid xeerarkii ay meel marisay dowladda Suudaan ee ka hor imaanayay Diinta Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayen in gaalnimadu banaantahay, khamriga la cabi karo, sidoo kalena goobaha lagu tunto albaabada loo ballaqo.
Dad aad u farabadan oo ay hor boodayeen culimada muslimiinta iyo dhalinyarada Aqoonyahannada ayaa Jimcihii lasoo dhaafay dhigay bananabaxyo ay ku diidanyihiin xeerarkaas oo ay sheegeen iney ka hor imaanayaan diinta Islaamka.
Xukuumadda kumeel gaarka ah ee Suudaan ayaa u muuqaneysa mid mar weliba qaadeysa tallaabo ay ku muujineyso iney cilmaaniyad tahay oo ay ka fogtahay diinta Islaamka, iyadoo ku dooneysa tallaabooyinkaas iney ku hesho taageerada dowladaha Reer galbeedka oo ay ugu horeyso dowladda Maraykanka.