HomeAll newsErgeyga Abey Axmed Oo Gaaray Turkiga lana Kulmey Masuuliyiinta Wadankaas.

Ergeyga Abey Axmed Oo Gaaray Turkiga lana Kulmey Masuuliyiinta Wadankaas.

Dhawaan waxaa wadanka Turkiga booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay masuul sare oo katirsan dowladda Itoobiya, kaas oo halkaas kula soo kulmey masuuliyiinta ugu sarreysa wadanka Turkiga.

Ergeyga gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ninka lagu magacaabo Molato Tishoomi ayaa ka degay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, isagoo la kulmey wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga.

Kulan saacado socday oo ergeyga iyo Mowluud Oglo wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga ku dhex maray xarunta wasaaradda ee magaalada Ankara ayay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen.

Arimaha ay soo hadal qaadeen waxaa kamid ah qadiyadda biya xireenka An-Nahda oo dhalisay khilaafaad xoogan oo soo kala dhexgalay dowladaha Suudaan, Masar iyo Itoobiya.

Inkastoo aaney labada dhinac, waa Itoobiyaanka iyo xukuumadda Turkige aaney si faafaahsan uga hadlin waxay isla meel dhigeen, hadana waxay adkeeyeen in iskaashi dhinac weliba ah oo uu ganacsiga ku jiro ay yeelan doonaan labada dal.

Itoobiya ayaa ah wadan dhaca geeska Africa, waxaana colaad gaamurtay ay u hayeen muslimiinta caalamka gaar ahaan kuwa geeska Africa siiba umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah.

Maamulka uu hogaamiyo Ordogan ee ka dhisan wadanka Turkiga ayaa isagana galaan gal ballaaran ku leh duulaannada ay reer galbeedku kusoo qaadeen caalamka Islaamka, gaar ahaan Soomaaliya, waxaana Turkigu uu taageero dhaqaale iyo mid milliteriba siiyaa ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga wadanka Soomaaliya.

Inkastoo uu Ordogan juhdi balllaaran ku bixiyay marin habaabinta jamaahiirta muslimiinta hadana tallaabooyinka uu qaadayo waxay badankood muujinayaan sida uu ninkan ugu dadaalayo hagar daamada Muslimiinta.

Marka laga sooo tago duulaannada tooska ha ee ay ciidamada Turkigu ku lug leeyihiin laguna soo qaaday caalamka Islaamka, waxaa wadanka Turkiga ka furan saldhigyada ugu ballaarna ee ay isbaheysiga uu Maraykanka hogaaminayo u adeegsadaan duqeymaha arxan darrada ah ee ay ka geystaan wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Tallaabada ay hadda qaaday dowladda Turkiga ee ka dhigan iney xiriir toos ah la yeelato dowladda Xabashida Itoobiya ayaa dad badan oo Soomaali ah waxya u arkaan mid muujineysa wejiga dhabta ah ee Ordogan, madaxweynaha wadanka Turkiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular