Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar hubeysan ku qaaday degmada Buula burde fariismiyaal ay ku leeyihiin ciidamada maamulka Hir Shabeelle ee ka hoos shaqeeya Shisheeyaha duulaanka ku jooga gobolkaas.
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday in muda ah, waxaana lagu soo waramayaa inuu dhaliyay khasaare kala duwan.
Sarkaal lagu magacaabo Faarax Cumar oo katirsan Nabad sugida Dowladda federaalka ayaa lagu dilay dagaalkan, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo magaciisa lagu sheegay Qoorleexshe.
Dadka ku sugan magaalada Buula burde ayaa sheegay iney maqlayeen rasaasta ay is dhaafsanayaan Mujaahidiinta iyo ciidanka maamulka Hir Shabeelle, dagaalkana uu ahaa mid aad u culus.
Buula burde waxay kamid tahay degmooyinka ugu caansan gobolka Hiiraan, waxaana duulaan ku jooga ciidama ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah Shisheeyaha, kuwaas oo halkaas ka geysta tacadiyaad kala duwan.