Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ballaaran ku qaaday difaacyada ciidamada Shisheeyaha Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee deegaannada Kulbiyow iyo Baar Sanguuni.
Guutooyin hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xoogan la beegsaday askarta Kenya ee saldhiga ku leh deegaanka Kulbiyow, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal in muda ah socday.
Waxay sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta weerareen askarta maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baar Sanguuni.
Labada weerar lama hayo faafaahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha gaaray ciidamada lagu weeraray, waxaase la rumeysanyahay inuu jiro waxyeello kala duwan oo gaartay Askarta Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.