
Dhawaan, ciidamada Bankrafta ee ka hoos shaqeeya Maraykanka ayaa deegaanka Mubaarak waxay ka afduubteen ugu yaraan lix ruux oo shacab ah, kuwaas oo ay goor dambe ku tilmaameen iney yihiin saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab.
Hadaba idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan oo raadineysa xaqiiqda sheegashada Dowladda federaalka ayaa xiriir la sameysay qaar kamid ah waxgaradka deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo beeniyay warka Dowladda federaalka.
Waxay sheegeen in lixda qof ee ay ciidamada Bankrafta kaxeysteen ay yihiin dad shacab ah oo mid kamid ah uu yahay macallin, halka mid kale uu yahay nin ganacsade ah oo ka shaqeysta maqaayad raashiinka lagu iibiyo.
Waxgaradkan aya waxba kama jiraan ku tilmaamay warka Dowladda federaalka iyagoona ugu baaqay iney xurriyadooda siiso dadkaas shacabka ah ee aan wax lug ah ku lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkan ka dhageyso Ugaas Maxamad Cali iyo waxgarad Aweys Cali