HomeAll newsKhilaaf sababay dagaallo toos ah oo dhexmaraya dalalka Armiiniyaa iyo Adribijaan.

Khilaaf sababay dagaallo toos ah oo dhexmaraya dalalka Armiiniyaa iyo Adribijaan.

Maalintii saddexaad waxaa xuduud beenaatka dalalka Armiiniya iyo Adribijaan ka soconaya dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada labada dowladood, kaas oo ah kii ugu xooganaa ee dhexmara labadan dal muda sanada laga joogo.

Dagaalladan ayaa soo billowday maalintii Axadda, waxaana dhinacyada dagaallamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dowlad weliba ay ku doodeyso in tan kale ay weerarka soo qaaday, islamarkaana dooneyso dhul ballaarsi.

Armiiniya waxay qirtay in 7 askari oo kamid ah ciidamadeeda ay ku dhinteen duqeyn lo adeegsaday gantaallo cul culus oo ay ciidamada Armiiniya ku garaaceen deegaannada xuduud beenaatka. dhanka Dowladda Armiiniya waxay iyadana sheegtay in laga dilay 5 askari oo kamid ah ciidankeeda.

Laba dowladood ee dagaallamaya ayaa kamid ahaa jamhuuriyatkii midowga Soofiyeet, waana wadamo ay leeyihiin Muslimiinta oo ay xoog kula wareegeen Ruushka iyo isbaheysigii uu hogaamiayay.

Armiiniya iyo Adribijaan waxay isku heystaan mandiqad lagu magacaabo Naaqurni Qurah Baakh oo dhacda koonfur galbeed wadanka Adribijaan, waxaana mandiqadaas dagaallo dhacay sagaashameeyadii la wareegay malleeshiyaad gooni u goosad ah oo kasoo jeeda Ariiminiya, dagaalladaasna waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 kun oo ruux.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular