HomeAll newsGeneraal Odawaa Oo La kulmey Weerar Nafhurnimo Oo xoogan.

Generaal Odawaa Oo La kulmey Weerar Nafhurnimo Oo xoogan.

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar Nafhurnimo oo aad u xoogan kaas oo lagu weeraray taliyaha guud ee ciidamada Dowladda federaalka Jeneraal Odawaa.

Kolonyo uu hogaaminayay taliyaha kana soo baxay wasaaradda gaashandhiga ayaa la kulmey qarax xoogan xilli ay marayeen inta u dhexeysa Tarabuunka iyo isbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho.

Tobanaan askari oo kamid ahaa ilaalada Jeneraal Odawaa ayaa la xaqijiiyay iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen camaliyadda, inkastoo uu ka badbaaday Jeneraal Odawaa oo sida muuqata ahaa hadafka la beegsanayay.

Warar ay heleyso idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiininaya in weerarka ay ku dhinteen 5 askari oo kamid ah ilaaalada Odawaa, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale, waxaana si xun u burubray labo gaari oo cabdi bile ah, halka ay waxyeello gaartay gaari nooca aan xabadda karin ah oo uu taliyaha saarnaa.

War kooban oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan nafhurnimada ah “”Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha Murtadiinta kooxda Ridada xilli uu marayay agagaarka wasaaradda G/dhigga” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab.

Xilliyo hore ayuu sidan oo kale wuxuu Jeneraal Odawaa la kulmey weeraro lagu doonayay in lagu khaarijiyo kuwaas oo ay masuuliyadooda sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

(https://halcyonliving.co.uk)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular