Tallaabo lama filaan ku noqotay dad badan oo katirsan muslimiinta Suudaan iyo xitaa guud ahaan muslimiinta caalamka ayay ku dhaqaaqday xukuumadda ku meel gaarka ah ee Suudaan.
Warbixin dheer oo lagu daabacay jariirada rasmiga ah ee dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in dowladdu ay meel marisay isbedello dhowr ah oo “dastuuri ah” sida hadalka loo dhigay, kuwaas oo meesha ka saaray axkaam sharci ah oo ay diinta Islaamku jideysay.
Xukuumadda Suudaan waxay meesha ka saartay jariimada Ridada ama in qofku ka baxo diinta Islaamka, arintas oo uu horey dastuurka gacan ku sameyska ah ee ka jira Suudaan uu mamnuuci jiray.
Waxaa sidoo kale xeerarka cusub ee la meel mariyay ku jira qodob lagu xalaaleeyay cabista khamriga, taas oo lagu tilmaamay iney tahay xuriyad shakhsiyadeed oo hadda wixii ka dambeeya aanu ka hor imaaneynin dasturuka xukuumadda Suudaan.
Qodobada kale ee sida tooska ah uga hor imaanaya diinta Islaamka, laguna soo daray dastuurka wadciga ah ee Suudaan waxaa kamid ah in la baneeyay goobaha lagu tunto, islamarkaana aanu jiri doonin wax xeer ah oo diidaya in haweenku jirkooda ka ganacsadaan, goobo lagu tuntana laga furo wadanka Suudaan.
Xeerarkan cusub ee ay xukuumadda Suudaan ku tilmaamtay mid dastuuri ah ayaa sidoo kale meesha ka saaray cuquubada jeedaleynta oo markii hore ku jirtay dastuurka Suudaan, waxaana arimahan horumar ku tilmaamay wasiirka waxa loogu yeero cadaaladda ee Suudaan Nasrudiin Cabdil-baari.
Wasiirka wuxuu intaa ku daray iney meesha ka saari doonaan dhamaan qodobada uu sheegay iney ku jiraan dastuurka Suudaan ee ka hor imaanaya waxa uu ku tilmaamay xurriyada Insaanka, wuxuuna dabcan kaga jeedaa qodobo yar yar oo markii horeba loogu talagalay in lagu khaldo dadka Muslimiina ah oo ku jiray dastuurka wadciga ah ee Suudaan.
Tallaabada ay qaaday xukuumadda Suudaan waxaa aad uga hor yimid culimada muslimiinta ee Suudaan iyo guud ahaan shacabka, waxaana culimadu ay ku baaqeen in awood la isugu geeyo sidii loo ridi lahaa xukuumadan.
Sheekh Cabdil Xayyi Yuusuf oo kamid ah culimada Suudaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku fatwooday in qof weliba oo awood u leh inuu talada ka tuuro xukuumadda Suudaan uu arinkaa ku dhaqaaqo, isagoona weerar afka ah ku qaaday Xamiidti iyo Al-Burhaan oo ah hogaamiyaasha ramsiga ah ee Suudaan.
Go’aannadan cusub ee ay ku dhaqaaqday xukuumadda Suudaan ayaa u muuqanaya mid ay ku raalli gelineyso Yahuudda iyo reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, kaas oo Suudaan dul dhigay shuruudo badan si looga saaro liiska waxa loogu yeero ” Dowladaha taageera Argagaxisada” oo uu Maraykanku horey ugu daray dowladda Suudaan.