Todobaadkii aynu soo dhaafnay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay howlgallo kala duwan, kuwaas oo ka kala dhacay wadamada Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana beegsaday Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Haddii aynu ku hormarno magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, horaantii todobaadkii aynu soo dhaafnay waxay marti gelisay weerar qarax xoogan ah, kaas oo ka dhacay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.
Weerarkaas waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka, waxaana lagu dilay labo askari askari, halka lagu dhaawacay sideed kale.
Isla maalintaas, qarax xoogan ayaa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha, gaariga ay wateen ayaa burburay, ciidamadii saarnaana dhimasho iyo dhaawac ayay halkaas ku noqdeen.
Talaadadii aynu soo dhaafney deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho waxaa qarax lagula eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada Dowladda federaalka, waxaana qaraxaas ku dhintay saddex askari, halka ay ku dhaawacmeen afar kale.
Todobaadkan waxaa sidoo kale Tabellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdihso lagu toogtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada milliteriga Dowladda federaalka, waxaana dilka geystay rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Maalintii Arbacada, qarax ayaa dhabarka dambe ee safaaradda Qadar ee magaalada Muqdisho oo ku taalla xaafadda Taleex waxaa lagula eegtay gaari ay lahaayeen ciidamada Booliiska Dowladda federaalka.
Qaraxa waxaa lagu dilay labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo midi ahaa xogheynta taliyaha ciidamada Booliiska ee Dowladda federaalka.
Shabeellaha Hoose, qarax xoogan ayaa gaari noooca BMB ah oo ay wateen ciidamada Shisheeyaha waxaa lagula eegtay Ceelasha biyaha, halkaasna waxaa lagu dilay afar askari halka ay dhaawacmeen labo kale.
Duqeyn lagu garaacay saldhiga ciidamada Shisheeyaha Uganda ee degmada Qorooley waxaa Iyana ku dhaawacmey 3 askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha.
Jimcihii aynu soo dhaafney, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka hortagay weerar ciidama Bankraf ah ay kusoo qaadeen deegaanka Mubaarak, waxaana halkaas looga dilay 3 askari, halka ay dhaawacmeen afar kale, iyadoo ay Mujaahidiintu gubeen gaari ay wateen ciidamadaas.
Shabeellaha Dhexe, maalintii Axadda waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay xillibaan katirsanaa maamulka Hir Shabeelle, oo lagu magacaabi jiray Maxamad Maxmuud Xuurshe, kaas oo gacanta lagu dhigay isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho.
waxaa sidoo kale maalintii xigtay kamiin ka dhacay duleedka degmada Balcad, oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka oo sahay u siday kuwa Burundi ku dhintay saddex askari, halka lagu gubay gaari booyad ah, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen saanad milliteri.
Wilaayada Baay iyo Bakool, weerar qarax ayaa lagu weeraray bar ay k usugnaayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed maalintii Sabtida ee todobaadkii hore, waxaana goobta ku dhintay afar askari, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.
Maalintii xigtay ee Axadda, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyada ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee deegaanka Awdiinle, halkaasna waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah.
Haddii aan u nimaadno wilaayada jubbooyinka, waxay todobaadkii hore marti gelisay weeraro dhowr ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Arbacadii, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerareen saldhigyada ciidamada Kenya ee deegaanka Hozingow oo dhaca xuduud beenaatka Kenya iyo Soomaaliya.
Waxay sidoo kale Mujaahidiintu weerareen bar kontorool oo ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Yoontooy ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaasna waxaa saacado gacanta ku hayay ciidamada Mujaahidiinta..
Ciidamo Kenyaati ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow.
Waxay kaloo Khamiistii lasoo dhaafay Mujaahidiintu weerareen saldhigyada Kenyaatiga ee deegaannada Hozingow iyo Kudhaa, halkaas ay ka dhasheen khasaare kala duwan.
Gobolka Bari ee uu ka arimiyo maamulka Puntland ayaa sidoo kale kamid ah meelaha ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen howlgallada todobaadkii lasoo dhaafay.
Mujaahidiinta ayaa duqeyn iyo weerar isugu daray ciidamo katirsan maamulka Puntland oo saldhig ku leh deegaanka Galgala ee buuraleyda Goolis.
Ugu dambeyntiina dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya waxaa todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro abaabulan oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Faafi ee dhaca gobolka Gaarisa, waxaana halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah, iyadoo lagu gubay saanado milliteri.
Weerarka kadib waxaa goobta kusoo degatay labo diyaaradood oo noocyada Hellecopterka ah, kuwaas oo qaaday dhaawacyada iyo meydadka ciidamada Kenyaatiga.
Khamiistii lasoo dhaafay waxay sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ballaaran oo deegaanka Karkara oo katirsan Gaarisa ku leeyihiin ciidamada Kenya.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa kamid ahaa todobaadyada ugu howlgalka badan marka loo fiiriyo weerarada ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee beegsaday Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka dagaalanta Soomaaliya iyo Kenya, waxaana hadafkeedu yahay in dalka Soomaaliya laga xureeyo Shisheeyaha, maamul islaami ahna la taago, sidaba ay marar badan sheegeen hogaamiyaasheeda oo Saxaafadda la hadlay.