Maxmuud Ugaas oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo jooga dalka dibadiisa ayaa waraysi uu siiyay idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu si qota dheer kaga hadlay banaanbaxyada ka soconaya wadanka Itoobiya iyo saameynta ay yeelan karaan.
Wuxuu sheegay in banaanbaxyada hadda soconaya ay ugu wacantahay iyadoo weli qowmiyadda Oromada ay la kulmeyso dhibaatooyin kaga imaanaya dowladda Itoobiya, taasoo ay dheertahay iyadoo uu Abey Axmed dib u dhigay doorashooyinkii lagu waday iney ka dhacaan dalkaas.
Aqoonyahanku wuxuu intaa ku daray in shacabka Itoobiya ay yihiin qowmiyado kala duwan, oo ay isku heyso awood milliteri, sidaas darteedna shacabka aaney is rabin oo mid weliba uu jeclaan lahaa inuu noqdo wadan madax banaan.
Mar wax laga waydiiyay banaanbaxyada Itoobiya saameynta ay ku leeyihiin Soomaaliya ayuu sheegay in haddii ay sii socdaan banaanbaxyadaas ay keeni karto in ciidamada Itoobiyaanka ee duulaanka ku jooga Soomaaliya isaga baxaan wadanka, maadaama dalkoodaba aaney ka jirin xasilooni.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Aqoonyahan Maxmuud Ugaas oo ka hadlay xaaladda Itoobiya.lite