HomeAll newsCiidamada Bankrafta Oo khasaare lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Bankrafta Oo khasaare lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Ciidamo katirsan kuwa Bankrafta ee u shaqeeya Maraykanka ayaa ku fashilmey duulaan habeen dheelmad ah oo ay kusoo qaadeen deegaan katirsan wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamo kasoo baxay saldhiga Bellidoogle oo ah taliska ugu weyn ee uu Maraykanka ku leeyahay Soomaaliya ayaa la kulmey weerar xoogan oo ay kala hortageen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wararka aynu heleyno waxay xaqiijinayaan in askarta Bankrafta ee u shaqeeya Maraykanka laga dilay 3 askari,halka laga dhaawacay 4 kale, kadib markii ay weerar xoogan kala hortageen ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Marka laga soo tago khasaaraha gaaray ciidamada daacadda u ah Maraykanka waxay goobta dagaalka kaga carareen gaari dagaal oo kuu rakibanyahay qori culus, kaas oo gacanta ay ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Deegaanka Mubaarak oo ah halka ay kusoo duuleen askartan jabka la gaarsiiyay ayaa wuxuu horey u marti geliyay weeraro ay kusoo qaadeen  ciidamada Maraykanka iyo kuwa la socda, waxaana xusid mudan in askar dhowr ah oo Ameerikaan ah lagu dilay halkaas.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Laabtu way farxay saa
    Goortii fagaaraha
    Fasaqada Iliis dhalay
    Faylaha ad goysaan
    Fursaantii Islaam kaay
    Faracii Asxaab taay
    Filan waa malagu dhigay
    Fashil xoogle muu helay
    Dhashiikaha ma furateen
    Fagaarihi manoo haray
    Fiigoodi macararay
    Firxad kiyo baaqigu
    Furimaha dagaalkiyo
    Fagaarahay baneeyeen
    Faaris geesiyaa helay
    Wiilal feejig naayoo
    Caraftii firdawsiyo
    Fadli dheeri goobaa
    Faylaha kurtood jaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular