HomeAll newsQarax Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Deegaanka Weydow.

Qarax Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Deegaanka Weydow.

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo shalay ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, jugtiisana laga maqley deegaanka ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka, waxaana goobta ka dhashey khasaare kala duwan.

Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar kale, iyadoona uu burburay gaariga uu qaraxu haleeley.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan dhaliyay khasaaraha gaaray ciidamada Dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular