HomeAll newsAskari Fal naxdin leh ka geystay Deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim.

Askari Fal naxdin leh ka geystay Deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim.

Xalay fiidkii waxaa deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ka dhacday arin naxdin leh, taas oo uu geystay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Askarigan ayaa weeraray guri ku yaala deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, halkaas oo ay degnaayeen qoys ka kooban ugu yaraan 10 ruux, kuwaas oo u badnaa dumar iyo caruur.

Askariga ayaa rasaas ooda kaga qaaday qoyska xilli ay ku jireen gurigooda, waxaana durba halkaas ku dhintay afar ruux halka ay ku dhaawacmeen shan kale.

Goobjoogayaal gaaray goobta ay mashaqadu ka dhacday ayaa sheegay in askariga falkan geystay uu gabar ka qabay qoyska uu gumaaday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dhibaatadan uu geysto askariga, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiray khilaaf u dhexeeyay ninka qaba gabadha iyo qoyska xaaskiisa.

Askariga ayaa ka baxsaday goobta, illaa iyo hadana ma jirto cid raadisay ama ka daba baxday, waxaana arintan ay hadal heyn ka dhalisay Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Askarta Dowladda federaalka oo si xad dhaaf ah u adeegsada maandooriyaasha kala duwan ayaa dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxaana xitaa ka nabad gali la’ dadka u dhow ee qaraabada la ah, waxaana marar badan dhacay in askar katirsan Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay dilaan xaasaskooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular