HomeAll newsDowladda Turkiga Oo ka hadashey Weerarkii ka dhacay Saldhigooda Muqdisho.

Dowladda Turkiga Oo ka hadashey Weerarkii ka dhacay Saldhigooda Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay boga rasmiga ah ee wasaarada arimaha dibada ee dowlada Turkiga ayaa looga hadlay weerar Nafhurnimo ah oo shalay ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsatay saraakiil ku sugnaa xerada Turkida ee Muqdisho.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarkaas lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen qaar kamid ah sarakiisheena Soomaaliya u jooga iney tababaraan ciidanka Dowlada” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale wasaarada arimaha dibada wexey tacsi u dirtay Dowladda federaalka iyadoona ugu tacsiyeysay saraakiishii weerarkaas looga dilay.

“Waxaan murugada la qeybsaneynaa ciidankii iyo eheladii ay ka dhinteen sarakiishii lagu dilay weerarkaas oo ka dhacay dugsiga hoose ee  Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga.

Tacsidan kasoo yeertay dowlada Turkiga ayaa wexey kusoo aaday iyadoo Dowladda federaalka aysan wali si rasmi ah uga hadal weerarkaas oo gallaaftay nolosha 7 sarkaal sidoo kalana lagu dhaawacay 14 kale .

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular