HomeAll newsMadaafiic Lagu garaacay Saldhiga ciidamada Burundi ee Balcad.

Madaafiic Lagu garaacay Saldhiga ciidamada Burundi ee Balcad.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan ku garaacay saldhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhowr madfac ayaa ku hoobatay gudaha saldhiga ciiidamada Shisheeyaha ee Burundi, waxaana reer Balcad ay dhegahooda ku maqlayeen jugta xoogan ee madaafiicda ay tuurayeen Mujaahidiinta.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey duqeyntan, waxaana ay kusoo aadeysaa iyadoo uu dhintay madaxweynihii Burundi kaas oo si lama filaan ah u dhintay kadib xanuun dhanka wadnaha ah oo kusoo booday.

Geerida Pierre Nkurunziza oo ah madaxweynihii Burundi ayaa la filayaa iney saameyn ku yeelato ciidamada Shisheeyaha Burundi ee qeybta ka ah Afrikaanta kusoo duushey Soomaaliya, waxaana uu ahaa ninka soo diray kumanaanka askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular