HomeAll newsQarax Muqdisho Lagula eegtay Ciidamo katirsan Booliiska Dowladda Federaalka.

Qarax Muqdisho Lagula eegtay Ciidamo katirsan Booliiska Dowladda Federaalka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho wararka ka imaanaya waxay ku waramayaan in qarax xoogan uu ka dhacay bar ay ku sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil katirsan Booliiska Dowladda federaalka.

Qaraxa ayaa dhaliyay waxyeello gaartay ciidamada lala eegtay, iyadoona lagu soo waramaya in dadka  waxyeelladu gaartay ku jiraan saraakiil sar sare.

Ugu yaraan 5 askari oo midi uu yahay jeneraal katirsan ciidamada Booliiska ayaa ku dhaawacmey qaraxan oo ahaa mid xoogan.

Qaraxan wuxuu kusoo aadayaa iyadoo habeen hore dilal ka dhacay Muqdisho loo geystay sarkaal iyo gudoomiye waaxeed katirsan maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Cumar Finish oo kamid ahaa dagaal oogayaashii soo maray magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular