HomeAll newsDilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in dilal qorsheysan oo loo geystay xubno katirsan dowladda federaalka ay saacadihii lasoo dhaafay ka dheceen gudaha Muqdisho.

Degmada Wadajir ee Muqdisho, waxaa howlgal qorsheysan ka fuliyay rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo beegsaday xubin katirsan baarlamaanka dowladda federaalka.

Muxummed Mahdi oo katirsanaa howlwadeennada Aqalka baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa rag hubeysan waxay ku dileen gudaha degmada Wadajir, kadibna waxay goobta uga tageen si nabadi ku dheehantahay.

Degmada Dharkeenley oo ku dhegan Wadajir ayaa iyadana waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday labo askari oo katirsan ciidamada Haramcadka loo yaqaano ee Dowladda federaalka.

Mid kamid ah askarta la toogtay waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Cumar, waxaana ragga dilka geystay ay goobta uga dhaqaaqeen si nabadgeliyo ah.

Muqdisho waxaa kusii kordhaya howlgallada gaarka ah ee lagu beegsanayo ciidamada Dowladda federaalka, xubnaha dowladda iyo masuuliyiinteeda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular