Idaacadda Islaamiga ee Al-furqaan ayaa qabatay xaflad aad u heer sareysa oo lagu sagootinayay barnaamijkii Taariikhda Al-Xuruubu Saliibiyah, kaas oo bishii Ramadaan ka baxayay idaacadda.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida:- Culimada, aqoonyahanada, salaadiinta, ganacsatada iyo dhallinyarada waxaana goobta laga jeediyay kalimaad muhiim ah.
Kasoo qeybgalayaasha Xafladda waxay bogaadiyeen barnaamijyada ka baxa idaacadda islaamiga ee Al-furqaan, dhanka kale waxay intooda badan ka warrameen muhiimadda ay leedahay taariikhda.
Al-furqaan, waa warbaahin islaami ah oo la aas-aasay bishii May ee sanadkii 2009-kii, waxayna caan ku tahay faafinta diinta islaamka, wararka dalka iyo kuwa dibadda iyo barnaamijyo ku saabsan arrimaha bulshada.
DHAGAYSO BARNAAMIJKA XAFLADDA SAGOOTINTA BARNAAMIJKA XURUUBUSALIIBIYAH.lite