Diyaaradaha Maraykanka ayaa habeenkii xalay waxay duqeyn xoogan ka fuliyeen deegaanka Kuunya barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku beegsadeen xaafado isku raran ah oo ay deganyihiin dad shacab ah.
Gantaallada ay soo tuuraan diyaaradaha Drone-ka ayaa ku hoobtay xaafado kamid ah Kuunya barrow, waqti ay dadku afurayeen, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan oo gaartay dad shacab ah.
Ugu yaraan lix ruux oo shacab ah, islamarkaana isuga jira dumar iyo caruur ayaa ku dhaawacmey duqeynta uu Maraykanka ka fuliyay deegaanka Kuunya barrow.
Hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashey ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmey duqeynta, kuwaas oo sidoo kale duqeynta ku waayay gurigooda, maadaama gantaalladu burburiyeen gurigooda.
Dowladda Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay ku faantay iney iyadu ka dambeyso duqeyntan ay dadka shacabka ah waxyeellada kala duwan kasoo gaartay.
Dadka ku dhaawacmay duqeyntan waxaa la dhigay isbitaalka weyn ee Kuunya barrow, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda.
Mar weliba oo ay dowladda Maraykanka dad shacab ah ku beegsato duqeymaha Soomaaliya ka geysaneyso waxay dadkaas ku tilmaamtaa iney yihiin xubno katirsan Al-Shabaab, waxaase arinkaas si kulul u beeniyay dadka shacabka ah, hay’adaha xuquuqda Insaanka iyo wariyaasha sameeya baaritaannada.
Maraykaan cadawgiiyoow
Ciyaal mataa ah laaoow
Cadaabtii lagu geeyee
Cimrigaa rabi gooyee
Cibar Eebe kayeel yee
Cudur aan ku hambayn
Caafimaadna ad waydo
Culays aan kaa dagaun
Cambaar aan kaa harayn
Cudur daawadi waayey
Xubnihiisa carttiiyey
Caabuq naafi dad kiina
Caajisoo habad baadin
Cirka rooban ka waaya
Dhulka caws baxa waaya
Dalagiin cudur naafi